Shir looga hadlaayo la dagaalanka Al-shabaab oo ka Furmay Magaalada qaahira

0
A general view shows the meeting of the Arab League Foreign ministers in the Egyptian capital Cairo on December 21, 2013. The meeting has been called at the request of Palestinian president Mahmud Abbas, League deputy secretary general Ahmed Ben Helli said, and aims to discuss troubled peace talks between the Palestinians and Israel. AFP PHOTO / HASSAN MOHAMED

Kulan looga hadlayo qatarta Al-shabaab ee dalka soomaaliya ayaa maanta oo arbaca aa waxaa uu ka furmay magaala madaxda dalka masar ee qaahira.

Ururka jaamacadda carabta ayaa kulankani soo qaban qaabiyey iyadoo wafuud heer sare oo ka kala socota dalalka jaamacada carabta ay kulanka ka qeyb galayaan.

Dowlada imaaratka Carabta ayaa kulanka looga hadlaayo Qatarta Al-shabaab ee dalka soomaaliya kusoo biirtay goor dhaweyd waxaana uga soo qeyb galay ku xigeenka  dhanka amaanka dalkaasi Mohammed Atiq Al Romaithi .

Waxaa kulanka ka hadlay xoghayaha guud ee jaamacada carabta Dr. Nabil Al Arabi  isagoona xusay in saddexdadii sano ee lasoo dhaafay Al-shabaab ay hoos u dhaceyn weeraradii ay ka fulin jireen dalka soomaaliya.

Xoghaye nabiil Al-carabi ayaa sidoo kale sheegay in 30,000 oo ajaanib shisheeye ah ay ku dhex milanyihiin dagaal yahanada islaamiyiinta ah ka dagaalama dalalka  Afghanistan, Libya, Yemen iyo dalka Somalia.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Dalal ay ka mid yihiin masar, sacuudiga, baxreyn, Kuwait , sudan qadar , iyo dalal kale.

Waxaa kaloo maalmaha soo socda kulankaan diirada lagu saari doonaa qalalaasaha dhanka amaanka ee ka jirta dalka yemen iyadoo jaamacada carabta ay ciidan ka joogaan dalkaasi.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here