Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Lagu Dilay Xubno Al-Shabaab Ka Tirsanaa

0

Dowladda mareykanka waaxda u qaabilsan hawlgalada afrika ee AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymo ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka jubadda-dhexe ay ku dileen 2 ruux oo ka tirsan  Xarakadda Al-Shabaab ayna sidoo kale ku dhaawaceen ruux kale.

AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowlada faderalka iyo milatariga mareykanka u qaabilsan hawl galada geeska afrika, 26’kii bishan maalinnimadii isniinta.

Weerarkan ay mareykanku sheegteen ayaa noqonaya kii 4’aad ee isla nadkan gudihiisa ay ka fuliyaan gudaha dalka soomaaliya, ayagoona horay u fuliyay weeraro ay Al-Shabaab ku beegsanayaan 2’dii & 18’kii bishii January iyo 19’kii bishan February oo ay qaadeen weerarkii ugu danbeeyay ee isla sanadkan gudihiisa ay soomaaliya ka fuliyaan.

Dowladda mareykanka ayaa dhowr jeer ku celisay in ay dowladda soomaaliya ka taageerayso la dagaalanka Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here