Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa wada-hadal la furaysa kooxda Chelsea oo ku aadan in ay xili ciyaareedkaan la wareegto goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois.
Kooxda Caasimada Spain ka dhisan ee Ral Mardi ayaa shaki galinaysa Mutaqbalka goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Costa rica ee Keylor Navas kadib markii uu dhawaan badalay ninka reer Spain ee Iker Casillas. Oo dhawaan kooxda ka dhaqaaqay,
Courtois ayaa dhankiisa isku diyaarinaayo in uu dib ugu laabto Horyaalka dalka Spain kadib markii uu dhawaan kooxda Atletico Madrid, uu kula guuleystay Horyaalka dalka Spain ee Laliga isagoona sidoo kale la gaaray Finalka Champions League. waqti amaah ah uu ku qaatay Horyaalka dalka Spain,

