Dowladda Soomaaliya oo Dib Usoo Celinaysa Soomaalida Ku Dhiban Liibiya

0

Danjiraha dowladda Somaaliya ee midowga Yurub ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku soo celinayaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Libya.

Danjire Ali Said Fiqi ayaa sheegay in guud ahaan Soomalida ku sugan Libiya ay gaarayaan 7,000, kuwaas oo ku kala sugan meela kala duwan oo ka tirsan Libya. asagoona sidoo kale sheegay in 94 kamid ah dadkaasi ay ka soo baxsadeen beer lagu haystay.

Danjiraha Somaliya u fadhiyo midowga yurub, ahna wakiilka rasmiga ah ay dowladda Somalia u xilsaartay qaxootiga Danjire Ali said fiqi ayaa intaasi sii raaciyay mar uu waraysi sii naayay laanta afka soomaaliga ee “VOA” in uu la xariiray 94’ta soomaali ee ka soo baxsaday beer lagu haystay kuwaas oo haatan ku sugan deegaanka kufra.

“markii aan ogaaday in kufra lagu haysto ayaan waxaan la xiriirnay hay’adda IOM’ta anigoo ka codsaday in ay soo ogaadaan inta ruux ee rabto in Somalia loo celiyo nasiib daro 94’tii ruux way diideen in ay Somalia u laabtaan sidaas waxaa yiri Danjire Ali said fiqi.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Libiya aysan dooneen Afrikaanta ku sugan dalkeeda, ayagana ay u bandhigeen in Soomaalida ku sugan dalka Libiya ay dib iskaga laabtaan dalkooda ama ay qaxooti ahaan u tagaan wadamada kale ee dariska la’ah Libiya.

Soomali fara badan ayaa sanad walba waxa ay gaaraan, gudaha dalka Libiya, ayagoona naawila in ay uga sii gudbaan wadama qaarada Yurub, ayagoona intooda badan dhibaatooyin kala kulma magafayaasha ku sugan dalka Libya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here