Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Soomaliya ayaa bilowday maanta dhageysiga kiiska Gaashaanlle sare C/naasir Xoosh, oo ku eedeysan dilka Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Somaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).
Dhageysiga Dacwadda ayaa goordhaweyd ka bilaabatay xarunta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida,waxaana ku sugan Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaliya in Eheladda labada dhinac.
18-kii bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Siciid Mariino lagu dhex dilay Xafiiska Ciidanka Badda oo ku dhex yaala Dekadda Magaaladda Muqdisho kaddib markii ay isku dhaceen isaga iyo Gaashaanlle sare C/naasir Xoosh.
Dhageysiga Dacwadda kadib Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa in go’aan ka soo saarto kiiskaan.

