Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed khaliif (Abgaalow) ayaa sheegay in horumar laga sameeyey Sugida Amniga Magaalada Gaalkacyo oo Dowladda Dhexe iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka wadeen dib u heshiisiin lagu soo afjaro dadka gobalkaasi.
Xasan Khaliif ayaa tilmaamay inay si dhow u wadashaynayaan laamaha amniga labada dhinac si looga guuleysto dadka Abaabula Colaada iyo dhibaatooyinka keeni kara in uu bur-buro heshiiskii Nabada Magaaladda Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa xusay in hada Madaxda Galmudug ay ka maqan yihiin Gaalkacyo islamarkaana ay jiraan Gobalka Galgaduud balse markii ay soo laabtaan ay filayaan inay kawada hadlaan sidii loo qaadi lahaa tilaabooyin dheeraad ah oo lagu hor marinayo Xasiloonida Gaalkacyo.

