Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar goordhaweyd lagu qaaday fariisimo Dagaalyano katirsan Alshabaab ay ku leeyihiin deegaano katirsan Gobalka shabeelaha dhaxe,
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Simba Radio u sheegay inuu jiro weerar khasaare dhaliyay oo lagu qaaday goobo saldhigyo ay ku leeyihiin xoogag katirsan Al-shabaab oo ku yaal inta u dhaxeysa balcad iyo jowhar.
Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqlayeen jugta hubka nuucyadiisa kala duwan, aynan kala garan Karin cida weerarka qaaday, iyo kuwa la weeraray iyo khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in hada aysan jirin dagaal socda, balse ay is horfadhiyaan ciidamadii dowladda ee la sheegay iney weerarka qaaden iyo dagaalyahanada Al-shabaab ee la weeraray.
Gudoomiyaha degmada balcad Abuukar Aadan oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay iney weerar ku qaadeen goob Al-shabaab ay lacago ay kaga qaadi jireen gadiidka rakaabka ee ku socdaala gobalkaasi khasaare kala duwan uu gaaray ragii Xarakada Al-shabaab katirsanaa ee saldhiga la weeraray ku sugnaa.
Dhanka kale majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab kaa oo ku aadan weerarka la sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadooda ku sugnaa wadada isku xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

