Guddoomiyaha Degmada Kilifi ee Dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo,Saidia Matani, ku qabteen Magaalada, Shalayto gelinkii dambe, ka dib markii ay diidday in la baaro taasi oo dhalisay in loo tixaabo xabsiga.
Mr; Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan , wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo, hadii xiriir ay la leedahay kooxaha Jihaad aloolayaasha soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Xagjirnimo, waajibna tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan sharcigana la tiigsan doonaan.
Haweeneydan ayaanan weli la shaacin Waddanka ay kasoo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.
Dowladda dalka kenya ayaa inta badan xereg kula kacda dadka soo galootiga iyo dadka u dhashay wadanka hadii looga shakiyo iney xiriiro la sameynayan Al-shabaabka ka howlgalada gudaha dalkaasi.
Isha/The Standard

