War goor dhaw naga soo gaaray mid kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in la tooktay mid kamid aha saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa goor dhaw xaafada Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan ee magaalada muqdisho, waxey ku tookteen Farxaan Xuseen Barqadle oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xooga Soomaaliya, kaa oo ku sugnaa agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan.
Dadka deegaanka degmada hodan ayaa Idaacada Simba u sheegay iney arkeen sarkaal katirsanaa militariga soomaaliya, oo rasaas ay ka muuqatay qeybaha sare ee jirkiisa, markii danbana ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan dowladda soomaaliya oo markii danbe meydka sarkaalka goobta ka qaaday.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka ka dhacay degmada hodan, waxeyna sheegeen in ay dileen, Farxaan Xuseen Barqadle oo ahaa sarkaal hal Xidigle ahaa kana tirsana saraakiisha dowladda.
Masuuliyiinta degmada hodan oo la hadlay Simba ayaa sheegay inuu jiro dil ka dhacay degmada, balse ay dib warbaahinta kala wadaagi doonaan dilka ka dhacay degmada iyo cida loo geysatay intaba.
Ragii ka danbeeyay dilka saraalka ayaa isaga baxsaday goobta ay ka geysteen dilkaasi, inkastoo markii danbe ciidamada Amaamka dowladda ay soo gaareen goobtaasi baaritaanana ay sameynayaaan.
Waxii Kusoo Kordha kala Soco WWW.SimbaNews.com

