Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hoygiisa dhamaadkii sanadkii 2017-kii.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Ciidamadda weerarka ku qaaday hoygiisa ay kasoo baxeyn Dugsiga tababarrada Janaraal Goordan,islamarkaana ay taageero Dowladda imaaraaadka Carabta.
Weerarka ayuu sheegay in lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa Booliska Dowladda Soomaliya, oo kamid aha ilaaladiisa.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlamanka Federaalka Soomaliya in ay arintaan dabadal ku sameeyeen,islamarkaana ay jiri karto Qatar kale oo kusoo wajahan qoyskiisa.

