Wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarad nuuca loo yaqaano Drones-ka ay ku dhacday deegaankaas.
Goobta ay diyaaradda ku dhacdy ee Aybuuteey waxaa gacanta ku haya Xarakadda Al-shabaab.
Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab oo goobta gaaray waxa ay sheegeen in ay ka furteen qalab u badan Kaamirooyin oo sida ay sheegeen aan waxba gaarin.
Labo maalin ka hor ayey ahayd, markii sidan oo kale diyaarad Drone ah ay ku soo dhacday deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbadda Hoose.
Diyaaradaha Dowladda mareykanka ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Saldhigyadda Xarakadda Al-shabaab.

