Kooxo hubeysan ayaa gaari dad shacab ay saarnaayeen ku rasaaseeyay duleedka magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka amba-baxay Magaaladda muqdisho,waxaana lagu rasaaseeyay Deegaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baledweyne u jirta 7 KM.
Inta la xaqiijiyay 1-qof oo haweeney aheyd ayaa ku geeriyootay laba kalana way ku dhaawacmeen,sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.
Dhanka kale ragii ka dambeeyay falkaan ayaa goobta isaga baxsaday, Lama sheegin sababaha ay kooxdaasi u weerareen Gaariga.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle aynu xiriiro la sameenay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arintaan.

