Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in duqeymaha ay ka fuliso Goboladda Jubooyinka iyo Gedo in ay waxyeelo ugu geysato dad shacab ah.
Cali Yacquub Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Dowladda Kenya ay ku fuliyaan Gobolka, lagu waxyeeleeyo dad shacab ahaa.
Waxa uu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee dhacay Todobaadkii aynu soo dhaafnay waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ahaa, islamarkaana Dowladda Kenya ay sheegtay in lagu burburiyay saldhig dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee ku lahaayeen Gobolkaas.
Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya koonfurta dalka Soomaaliya, intooda badan waxaa lala beegsadaa Saldhigyadda Al-shabaab.

