Gudoomiyaha gobolka Kitui “Charity Ngilu” ayaa waydiisatay in ciidamada Kenya ay soo af jaraan la dagaalanka ciidamada al-shabaab ee weerarada ku qaado gudaha dalka Kenya.
Nigulu ayaa ku eedaysay in ciidamada dalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada weerarada lagu qaado gudaha dalkaasi ayadoona ugu baaqday dadka reer Kenya in ay nafsad ahaantooda is difaacaan.
Dastuurka dalka Kenya ayaa waxa uu u balan qaadayaa in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin in ay difaacdaan noloshooda iyo hantidooda.
“Charity Ngilu” oo ah Gudoomiyaha gobolka “Kitui” ayaa sidoo kale waxa ay tiri “waxaan u hadlayaa si cabsi la’aan ah waxaa haboon in dhibaatadan uga hor tagno si wadajir ah, way na soo weeraraan waxa ay laayaan beeralaydeena sidoo kale waxa ay burburiyaan hantideena haddii aan iska difaaci wayno waxa ay u qaadanayaan in aanan awood u lahayn in aan is difaacno taasna waxa sii naysaa in ay awood u yeeshaan in markasta ay na soo weeraraan.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaado gudaha dalka Kenya ayadoona dowladda dalkasi Kenya ay dhowr jeer ku cel celisay in ay wax ka qaban doonto weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaado dalkeeda.

