Sharci-yaqaanno soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah xubnaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadamaha ayaa gaaray magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaasoo ay ku xiranyihiin dhalinayro Soomaaliyeed oo dalkan Mareyknaka dib looga masaafuriyey horaantii bishii December.
Qareenadan ayaa ujeedada socdaalkoodu yahay sidii dhalinayradan loo siin lahaa wakhti dheeraad ah si ay magangalyo u helaan ama bal mowqifka dowladda mareykanka uu wax iska badalo.
Dhalinyaradaan ayaa hadal heyntooda mudooyinkii danbe ay hadal heysay warbaahinta mareykanka tan soomaaliya iyo warnaahinada kale ee ka howlgala wadamada kale ee caalamka.
Sagaashan iyo Labo qof oo Soomaali ah oo laga kala qabatey meelo kala duwan oo dalka Mareykanka loona masaafurinayey Somaaliya ayaan suura galin kadib markii ay waaxda socdaalka mareykanka ay sheegtay in dadkaasi dib loogu soo celiyay gudaha mareykanka arimo farsamana ay saas ku dhacday.
Mudooyinkii danbe soomaalida ku dhaqan gudaha mareykanka ayaa muujinayay cabsi xoogan oo ku aadan in dib loogu celiyo wadankooda hooyo iyaga oo xitaa wata Baasaboorka dalkaasi mareykanka.

