Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose ayaa waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay kusoo dhacday diyaarad Dron ah oo aan la aqoon dowlada laga leeyahay ilaa iyo iminka.
War lagu baahiyay Idaacadaha ku hadla Afka Xoogaga Al-shabaab ayaa lagu sheegay in diyaad laga leeyahay dowladda Mareykanka oo ah noocyada duuliye la’aanta wax Basaasa ee Dronka loo yaqaan iney kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Jubbaland.
Diyaaradan ayeey Al-shabaab sheegeen in ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka wax basaasa, xilligii ay soo dhaceysayna ay ku howlaneyd Diyaarada Basaasida deeganada Xarakada Al-shabaab ay maamulaan.
Wali wax war ah kama soo bixin Taliska ciidama gaarka mareykanka ee ka howlgala gudaha soomaaliya oo ku aadan, warka kasoo baxay A l-shabaab oo ay shegeen iney gacanta ku dhigeen diyaarad Dron ah.
Diyaaradan ayaa noqoneysa tii 2-aad ee mudo isbuucyo gudaheeda ah Al-shabaab ay sheegaan iney ka gacanta u gasho, walow aysan jirin war ku aadan diyaaradahaasi oo kasoo baxay Taliska Mareykanka.

