War-murtiyeed ay siwadjir ah u soo saareen qaar kamid ah Xisbi Siyaasadeed ee ka jira gudaha soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay weerarkii lagu laayay 6 ruux ee ilaalada u aheyd Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo 17 Bishii December 2017 ciidamo katirsan dowladda ay weerar dhiiig badan ku daatay ku qaadeen guriga siyaasiga uu ka dagan yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
War-Saxaafadeedkan ayaa waxaa ku mideysnaa ilaa iyo 4 xisbi oo kala ah Wadajir, Madasha Horusocod,Daljir,Kulan. Kuwaa oo kulan ku yeeshay maanta gudaha magaalada muqdisho.
Hoos Ka Akhriso War-murtiyeeday soo saareen.


