Shaqaalaha Caafimaadka Kenya oo Ka Banaan-baxaya Xiriir La Sheegay in uu Kala Dhaxeeyo Al-shabaab

0

Shaqaalaha Caafimaadka jaziirada Lamu ee dalka Kenya ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweeyn ee lamu kuwaa oo ka dibad baxaya xiriir la sheegay in uu kala dhaxeeyo dagaalayahanada xarakaada al shabaab gaar ahaan in ay siiyaan kaalmo caafimaad.

Dhaqaatiirta, saraakiisha, caafimaadka, kalkaalisooyinka, sheybaariistayaasha iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee  caafimaadka dalka Kenya ayaa isugu yimid wadoyinka waaweyn ee dalka Kenya si ay meesha kaga saaraan xariir la tilmaamay in xarakada al shabaab ay la leeyihiin.

Waxaana sidoo kale ay codsadeen in la sii daayo dhowr farmashiyiistayaal ah oo la xirxiray todobaadkii hore iyagoo lagu eedeenayo in si qarsoodi ah ay daawooyin u siiyaan dagaalyahano shabaab ka tirsan oo ka howlgala dalka Kenya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii agaasimaha howlgalka Linda Poni Joseph Kanyiri uu ku eedeeyay qaar kamid ah shaqalaaha caafimaadka Lamu, Tana River iyo Gaarisa in ay si qarsoodi ah ay al shabaab ku siiyaan kaalmooyin caafimaad.

Waxaana uu intaasi ku daray in arintaasi ay Qatar ku tahay amaanka dalka Kenya waxaana uu xusay in ay baaritaano ku hayaan xarumaha caafimaad ee dhaca deeganaada Witu,Garsen, Ijara, Sanghailu, Msalani and Galmagala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here