Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa xalay magaaladda Cape town waxa ay ku dileen muwaadin Soomaliyeed oo kamid ahaa Ganacsadatada magaaladaas.
Dilkaan ayaa ka dhacay Laanta Site B ee Tuulada Khaylisha.
Muwaadinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Catoosh waxaana dilkii fuliyay burcad koonfur afrikaan ah oo doonayay in dhac ay u geystaan goobtiisa Ganacsi.
Majirto ilaa iyo hadda cid la shaaciyay oo loo qabtay falkaas, balse ciidamada booliska ayaa wada baaritaan arrintaasi ku aadan, kuwaasoo ku gadaaman goobta uu dilku ka dhacay.
Waa qofkii 5aad oo Soomaali ah ee lagu dilo dalka South Africa sanadkan cusub ee 2018-ka, ma cadda ilaa iyo hadda sababta ka dambeeysa dilkaas.
Dilkan, ayaa imaanaya saacado yar kadib markii La aasay Marxuum Fu’aad Allaha u Naxariistee oo lagu dilay dalka KooNfur afrika.

