QM: Maxey Katiri Wax Qabadka Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo

0
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Iyo Wakiilka QM. u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating,

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka muuqda oo ay sameyeen laamaha amniga gudaha.

Balse Keating wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajeheyso caqabado oo u baahan in laga caawiyo, wuxuuna intaa raaciyay inay haatan diiradda Dowladdu saran tahay dhanka amniga.

Keating ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga dalka iyo waxyaabo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here