Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Norway oo ku Kulmay Addis Ababa

0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad IYO Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa, Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale joogtaynta taageerada Norway ee sii so wadanka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa xasiloonida iyo isku filnaanshaha dowlada soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here