Duqii Hore ee Muqdisho Madaale : Maxuu Ka Yiri Xilka Qaadistii Thaabit & Masuuliyiinta Gobolka Banaadir

0

Gudoomiyii hore ee Magaalada muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka digay xil ka qaadista badan ee soo noq noqotay hadana sida deg deg ah oo lagu sameeyo masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu qabo aragtida ah xil ka qaadista deg dega ah inay keeni karto nidaamka dowliga ah oo xumaada, maadama quf oo indha furan durba laga qaado xil uu ku cusub yahay.

“Isbadalka cid kasta ayaa og shacabka Soomaaliyeed kan ugu weyn iyo kan ugu yar wuu fahmi karaa is badalladaan faraha badan aduunka marka uu maanta qaado nidaamka ah Afar sano, qofka Afar sano ah ha loogu daro ama Shan sano ha loogu daro  markaas kadib hala ogaado waxay dareemayaan tusaale ahaan saaxiibkey Taabit Sideed bilood ama Sagaal Bilood ayuu joogay goormuu dadka baranaayey, goormuu shaqada baranaayey marka laga yaabo inuu bulshadii fahmo inuu shaqadii fahmay waxaa laga yaabaa inay bahashu ku timid, aniga laftigeyga waxaan joogay Sanad iyo Shan bil cimri dheer hadda ma joogin waxaa ii degsanaa qorshe sanadeed waa ii qeybsanaa fadhiisinta shaqada iyo shaqaalaha,wax qabad, kordhin daqli, horumarinta magaalada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhisidda waddooyinka waxaas ayaa ii muuq-muuqday oo markaas ayaan la jaan qaaday is badallada faraha badan dowladnimada dib ayeey u dhigeysaa.” Ayuu yiri Duqii hore ee Muqdisho mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha ku taal.

Maalmo ka hor ayaa waxaa Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha soomaaliya xilkii looga qaaday gudoomiyihii hore ee gobalka banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, waxaa sidoo kale wareegtadaasi uu soo saaray madaxweynaha lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here