Ciidamo Ka Tirsanaa Maamulka Galmudug oo Ku Dhintay Badda+Dhageyso

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug ayaa ku warayama in ciidamo katirsanaa kuwa Maamulka Galmudug ay maanta dhinteen kadib markii dabaal  ay u aadeen xeebaha Gobalkaasi.

Wakiil wareedka idaacada Simba ee Gobalka mudug Muqtaar ayaa goordhaweyd inoo soo sheegay in lasoo bad baadiyay ciidamo dhowr ah oo badda ay qaaday, halka kuwa kalana badda ay soo tuftay iyaga oo meyd ah.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamadaasi ay dabaal u aadeen xeebaha hobyo ee gobalka mudug,arintaan ayaa sabab u aheyd in labo katirsan ciidamadda ay liqdo badda.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku aadan askartaasi dhimashada iyo dhaawaca ku noqday badda oo kacsan awgeyd ayaa la sheegayaa, dhaawacyada ciidamadaas in lagula tacaalayo gudaha degmadaasi hobyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here