Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Ciidamada ayaa u diidaya gaadiidka dadweynaha iney isticmaalaan qaar kamid ah waddooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.
Wadooyinka xiran waxaa kamid ah wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama.
Isgoysyada Ciidamada Dowladda Soomaliya lagu arkaayo waxaa kamid ah Sanca, 4-ta Jardiin, Siinaay, Ferolensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo sidoo kale Tarabuunka.
Ilaa haatan ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Hay’adda amaanka oo arintaan loogu hadlaayo.
Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in banaan-bax laga cabsi qabo in uu maanta ka dhaco Magaaladda Muqdisho kaasi oo Taageero loogu muujinaayo Gobolka banaadir.

