Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Garoonka aadan Cadde+Sawirro

0

Saakay garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaaladda muqdisho waxaa ka dhacay shil diyaaradeed oo khasaaro geystay.

Shilkan ayaa yimid kadib markii diyaarad uu leeyahay Ururka Midowga Yurub ay ku dhacday diyaaradda Shirkadda Galeyr Airline, taas oo ku jirtay qeybta baakinka ee Garoonka.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho ayaa inoo sheegay in diyaaradda uu leeyahay Ururka Midowga Yurub ay si xawaare ah ku socotay islamarkaana ay garab ka jabisay diyaaradda Galeyr.

Lama soo sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay shilkaan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha aadan cadde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here