Diyaaradaha Dowladda Kenya oo Saakay Duqeeyay Degmadda Ceel-waaq

0

Diyaaradaha Dowladda Kenya ayaa saakay duqeeyay Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Degmadda Ceel-waaq diyaaradaha Dowladda kenya ayaa duqeeyay guryo iyo anteenooyin ay halkaas ku laheyd mMid kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta Dowladda kenya Saakay la bartilmaameedsatay Degmadaas.

Dhanka kale Degmadda Ceel-waaq waxaa haatan ku sugan ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa maamulka Jubba-land, lama oga sababta ka dambeysa duqeynta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here