Xalay kooxo hubeysan ayaa Degaanka limpopa ee dalka koofur-Africa waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Liibaan Cali.
Muwaadinka la dilay ayaa da’diida lagu qiyaasay 28-sano jir waxaana dilkiisa fuliyay burcad koonfur afrikaan ah oo markii dambe goobta ka baxsaday.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Booliska Koonfur afrika, waxayna ka sameeyeen baaritaano.
Tirada dhimashada soomalida kunool guud ahaan magaalooyinka dalka koofur-africa geerida marxuum Liibaan waxay ka dhigeysaa 9ruux oo dhilinyaro Soomaliyeed ah.

