Shirkii Lagu Dhameyn Lahaa Heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug oo Dib Loo Dhigay

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimaddda Maamulka Galmudug waxaa dib loo dhigay Munaasabadii lagu dhameyn lahaa heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug gaareen 06/12/2017-kii.

Sababta dib u dhaca ayaa lagu sheegay arrimo farsamo, iyo wafuudii la filayay aan magaaladda gaarin, waxaana loo qorsheeyay in maalinta bari ah ay dhacdo munaaasabadda.

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan Mas’uuliyiin dowladda  ah iyo maamul goboleedyadda kuwaasi oo ka qeyb gali doono Munaasabadda.

Wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb,waxaana maanta lagu wadaa in uu kulamo la qaato bulshadda qeybaheeda kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here