Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa warbaahinta ka howlgasha Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ka Mamnuucday baahinta wararka Al-Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Cali ibraahim (Xildhibaan) oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aan la baahin Karin wararka Xarakadda Al-shabaab.
Inkastoo amarkaan ay soo saartay Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud ayuu sheegay afhayeenka in ay iyagana sii adkeyn doonaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga cidii ka dhaga adeegta ee baahisa wararka Xarakadda Al-Shabaab iney la xisaabtami doonaan.
Xalay hogaanka Al-shaabab ayaa ka hadlay khilaafka iyaga iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo hadda Dowladda wada hadal kula jira,waxaana codka Shabaab oo horaan la mamnuucay qaatay qaar kamid ah idaacadaha muqisho.

