Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Casimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa In lagu soo gaba-gabeeyo Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca.
Xafladda lagu soo gaba-gabeynayo Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada galmudug iyo ahlusuna ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal Jamaaca ee bartamaha Soomaaliya ayaa heshiis Ku kula saxiixday magaalada Muqdisho 06/12/2017.
Heshiiska ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa madaxda sarsare ee Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.
Qodobka ugu muhiimsan heshiiska ayaa ah in madaxa Ahlusuna Waljamaaca uu noqonayo wasiirka koowaad ee maamulka Galmudug, iyo Magaaladda Dhuusa-mareeb ay noqonayso Caasimadda Galmudug.

