War DEG DEG:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd laga maqlay Degmada Warta-Nabada gaar ahaan aagga Saldhiga Xararyaale.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada Saldhiga iyo kuwa Nabadsugida ee ka howlgala Isgooyska Forolonsa oo ku dhow Saldhiga.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, oo uu dul maray gaari kuwa raaxadda ah.

Ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Boolis ayaa iminka ku baxay, goobta uu qaraxa ka dhacay.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Wixii kusoo kordha kala Simbanews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here