Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmadda Warta-nabadda Muqdisho.

0

Qarax Miino oo lagu aasay goob qashinka la dhigo ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga Degmadda Warta-nabadda ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Qaraxa ayaa la doonaayay in la la eegto ciidamada ka tirsan Booliska Dowladda Soomaliya oo halkaas marayay,wuxuuna qaraxa dhacay xili ay gudbeen.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada Saldhiga iyo kuwa Nabadsugida ee ka howlgala Isgooyska Forolonsa.

Dhanka kale Ciidamo isugu jira Nabadsugida Soomaliya iyo Boolis ayaa goordhaweyd gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda baaritaan.

Ilaa haatan si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Degmadda Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay Degmadda Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here