Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaaladda Dhuusa Mareeb.
Madaxweyne farmaajo waxaa safarkiisa ku wehlinaya madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle(Xaaf), wasiiro,xidlhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa ku waramaya in diyaar garowga wefdiga Madaxweynaha laga dareemayo halkaas,waxaana ku sugan Xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.
Amaanka magaaladda Dhuuso-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamo ka socda dowladda Jabuuti oo ka mid ah kuwa AMISOM, iyo Ciidamadda Maamulka Ahlsuna Waljameeca.
Dhanka kale Ciidamo ka mid ahaa kuwa Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo-Cas ayaa loo diiday inay galaan magaalada dhuusa-mareeb.
Ciidamadan oo ka yimid dhanka Magaaladda Cadaado, qeybna ka ahaa Ciidamadii sugayay ammaanka Madaxweynaha safaradii uu ku marayay magaalooyin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in lagu celiyay deegaanka Mareer-gur oo u dhaxeeya Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.
Sababta ayaa lagu sheegay in Maamulka Ahlusuna Waljameeca uu diiday in ciidamo dheeraad ah la geeyo Magaaladda Dhuuso Mareeb,waxaana haatan socdo wada-hadal lagu doonayo in arinta lagu xaliyo.

