Sanadkaan 2015-ka waa sanad sii dhamaanaya waxaana ka Harsan wax ka yar Labo bari waa dunida ka dhacay dhacdooyin cajiib ah kuwasoo dadka qaar ay layaabeen markey la Kuleem, ama ay ku dhacday, oo mar kale soo laabtay
- Dhacdooyinkii sanadkaan 2015-ka la diiwaan galiyay waxaa kamid ahaa qaxooti badan oo u dhashtay dalka Syria ayaa sanadkaan galay qaar kamid ah wadamada Yurub kadib markii dalkooda uu ka dhacayay dagaalo xoogan,
- Ciidamo ka Tirsan dowlada Turky-ga ayaa sanadkaan soo ridey diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Russia kadib markii ay gashay xuduudka dalka Turky-ga waxaana ku dhintay Pilot-kii sarnaa diyaarada,
- Dhacdooyinkii sanadkaan dhacay waxaa kamid ahaa koox ka Tirsan daacish ayaa sanadkaan weerar ku qaaday meelo kamid ah Magaalada Paris ee dalka France waxaana weerarkaas ku dhintay in ka badan 85-qof oo ahaa dad Faransiis ah,
- Ciidamo ka Tirsan kooxda Boko-haram ayaa sanadkaan gudihiisa weerar ku qaaday Magaalada Baga waxaana weerarkaas ku dhintay in ka badan 45-qof oo ahaa dadkii ku sugnaa Magaalada Baga ee dalka Negeria weerarkaas waxaa cambeereeyay Madaxweynaha wadanka Negeria Mahamadu Buhari,
- Dibad baxyo Rabashado wata ayaa sanadkaan ka dhacay Magaalada Sanca ee dalka Yemen waxaa ku dhintay dad u dhashtay dalka Yemen oo kasoo horjeeday dowlada aan awooda laheyn ee Yemen,
- Bishii Jan. 23-keeda waxaa geeriyooday Boqorkii dalka Sacuudiga Boqor Abdullahi waxaa xilkiisa la wareegay Boqor Salman wuxuuna saxaafada u sheegay in uu sii wadi doonto waxyaabihii uu sameeyay aabihiisa.
- Kooxda daacish ayaa sanadkaan gudihiisa soo ridey diyaarad laga lahaa wadanka Jordan waxaa ku dhintay Pilot-kii sarnaa diyaarada dalka Jordan ayaa isla maalin kadib weerar ku qaaday fariismo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.
- Kooxo hubeysan oo la maleynayo In ay ka Tirsan yihiin al-qaacida ayaa sanadkaa ku gudihiisa weerar ku qaaday dalka Denmarka waxaana weerarkaas ku dhintay labo qof oo u dhashtay dalka Denmark, waxaa saacado kadib weerar lagu qaaday xarun Café-ka laga cabo oo ku taala caasimada dalka Denmark
- Mid kamid ahaa mucaaradkii dowlada Russia oo lagu magacaabi jirey Y. Nemtsov ayaa lagu diley caasimada dalka Russia ee Mascow waxaa dilkiisa cambaareeyay Madaxweynaha wadanka Russia Vladimir Putin,
- Benjamin Netanyahu Raisulwasaaraha dalka Israel ayaa sanadkaan 2015-ka ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Israel waxaa mar kale loo caleemasaaray xilka Raisulwasaaraha Israel,
- Kooxo Hubeysan ayaa sanadkaan gudihiisa weerar ku qaaday Madxafdka dalka Tunusia waxaana weerarkaas ku dhintay dad u dhashtay dalka Tunusia iyo muwaadiniin kale oo ka Yimaaday dalalka caalamka,
- Koox ka Tirsan daacish ayaa sanadkaan weerar ku qaaday Masaajid ku yaala Magaalada Sanca ee caasimada Yemen waxaa ku dhintay weerarkaas dad u dhashtay dalka Yemen oo xiligaas ku sugnaa Masaajidka,
- Dowlada wadanka Ciraaq oo sanadkaan Guduhiisa bilowday dagaal ka dhan ah kooxda daacish oo ku sugan meelo kamid ah bariga dhexe, Todobaadkaan Guduhiisa waxay la wareegay Magaalada ramadi ee Gobolka Anbar,
- Kooxda Boko-Haram ayaa sanadkaan gudihiisa heshiis la gashay kooxda Daacish oo ku aadan in kooxda ay kusoo biirto kooxda Daacish, oo awood badan inta badan kula leh wadamada Bariga dhexe,
Halkaan ka Daawo Sawirada la qaaday sanadkaan,




















