Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in xalay gudaha degmadaas lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.
Kooxo hubeysan ayaa goob Ganacsi uu ku sugnaa ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaasim Tushiba kaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Macalimiinta Iskuul ku yaala degmada Afgooye.
Ragga hubeysan ayaa wiilka dhalinyarada ahaa ka toogtay qeybaha sare ee jirka, iyagoo goobta ka baxsaday dilka kadib.
Ciidamada Booliiska Degmadda Afgooye ayaa goobta gaaray dilka kadib kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban aan dad lagu soo qabanin.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda dilkaas,iyaga oo sheegay in Abuukar Qaasim Tushiba uu kamid ahaa Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya.

