Wararka ka imaanaya jaziirada lamu ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan malatariga dalka kenya.
Weerarkan oo ahaa mid dhabagal ah waxaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada kenya gaar ahaan kuwa booliska kuwaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta jaziirada lamu iyo mombasa waxa uu weerarka si gaar ah ugu dhacay howdka boni.
Weerarkaan ayaa khasaaro lagu gaariiyay kolanyada ciidamada kenya sida ay sheegeen Al-shaabab.
Dhanka kale warbaahinta kenya ayaa baahisay in weerarkaas lagu gubay labo gaari laguna dilay hal askari oo kenyaati ah laguna dhaawacay shan kale oo ka tirsan askarta booliska kenya.
Afhayeenka Wasaaradda arimaha gudaha Mwenda Njoka, ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka,Islamarkaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al Shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.
Al-shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowlada kenya ee ay ka fulinayaan gudaha dalka kenya.

