War DEG DEG:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

kooxo hubeysan ayaa Caawa Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir  ku toogatay askari katirsan Ciidanka Booliska Somaliya sida ay Simba u Xaqiijiyeen Goobgoogayaal ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Askariga la weeraray ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan wuxuuna ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliyeed Sadex Nin oo Bistoolado ku hubeysanaa ayaa la sheegay inay Rasaas Madaxa iyo Caloosha ka la Dhaceen.

Ehelada Ruuxa la dilay  ayaa inoo Xaqiijiyey in askariga ku sugnaa gurigiisa oo aan ka fogeyn Xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxaan goobta ka baxsaday Ragii Dilka geystay

Ciidamada Degmada Waaberi ayaa dilka ka dib gaaray halka uu weerarka ka dhacay, waxeyna goobta ka sameeyeen baaritaano aan la sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here