kooxo hubeysan ayaa Caawa Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir ku toogatay askari katirsan Ciidanka Booliska Somaliya sida ay Simba u Xaqiijiyeen Goobgoogayaal ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.
Askariga la weeraray ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan wuxuuna ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliyeed Sadex Nin oo Bistoolado ku hubeysanaa ayaa la sheegay inay Rasaas Madaxa iyo Caloosha ka la Dhaceen.
Ehelada Ruuxa la dilay ayaa inoo Xaqiijiyey in askariga ku sugnaa gurigiisa oo aan ka fogeyn Xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxaan goobta ka baxsaday Ragii Dilka geystay
Ciidamada Degmada Waaberi ayaa dilka ka dib gaaray halka uu weerarka ka dhacay, waxeyna goobta ka sameeyeen baaritaano aan la sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay.

