Somaliland oo Ka Hor Timid Go’aanka Lagula Wareegayo Maamulka Hawada

0

Maamulka Somaliland ayaa ka hor yimid go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegeyso hawada dalka.

Cabdi Maxamed Rodol oo ah Maareeyaha Sadaasha Hawada maamulka Somaliland oo wariyayaasha kula hadlay Magaaladda hargeysa ayaa sheegay in Xarunta Muqdisho laga furay maanta ay Somaliland aqbaleyn.

Mudane Rodol ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegeyso maamulka Hawada uu yahay qalad, islamarkaana Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO aysan heshiiska waxba kala soconin.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in go’aankaan uu saameyn ku yeelanayo wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here