Dhageyso: Gudoomiyaha Cusub ee degmada Kaxda oo Xilka la Wareegay

0

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay ayaa maanta Lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda waxaana  xafladaas xilka kula wareegay Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaxda C/laahi Xasan Badawi oo badali doona Gudoomiyihii Hore ee degmada Kaxda C/kaamil Macalin Shukri,

Ugu horeyntii Gudoomiyihii Hore ee Kaxda C/kaamil Macalin Shukri,Oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu wax badan ka qabtay hormarka degmada Kaxda dhanka amniga,isdhaxgalka Bulshada,

Dhanka kale Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaxda C/laahi Xasan Badawi oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in uu ugu Mahadcelinaayo Gudoomiyihii Hore ee degmada Kaxda C/kaamil Macalin Shukri, waxqabadkii uu ka sameeyay degmada mudadii uu hayay xilka Gudoomiyaha isagoona shacabka degmada Kaxda u balanqaaday in uu ka shaqeyn doono, hormarka degmada Kaxda,

Dhawaan ayay aheyd markii wareegto kasoo baxday wasaarada arrimaha Gudaha xilka loogu qaaday Gudoomiyihii Hore ee degmada Kaxda C/kaamil Macalin Shukri,

Haalkaan Hoose ka dhageyso:

Gudoomiyihii Hore kaxda C/kaamil

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Kaxda 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here