Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe+ Sawiro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa Ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa diyaarad Helicopter ah waxa ay ka  dejisay  garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, kuxigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhalinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrimaha Ugu badan uu wafdigaan u gaaray magaalada Jowhar ayaa Lagu sheegay arrimaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Madaama Maalmaha soo socda Magaaladaas lagu qaban doono shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

wasirada-1 wasirada-2 wasirada-4 wasirada-6 wasirada-7 wasirada-8 wasirada-9 wasirada-10 wasirada-11

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here