Al-shabaab oo sii daayay Shaqaalo ay ka af-duubteen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo  ayaa sheegaya in xarakada al-shabaab ay sii daayeen 4-shaqaalo oo ka Tirsan  Hay’adda Hirda oo shalay lagu af-duubtay  afafka Hore ee degmada Baandheere ee Gobolka Gedo.

Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la Tilmaamayaa in ay ka shaqeyeen ayna al-shabaab kala Hadleen siidii ay usii deyn lahaayeen 4-shaqaalo oo ay af-duubteen wallow markii dambe ay al-shabaab ogolaadeen arintaas,

Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo ka Hadlay arintaan ayaa sheegay in habeenimadii xalay lasoo daayay shaqaalahaan oo shalay lagu af-duubtay afafka Hore ee degmada Baardheere haatana ay dib ugu laabteen meeshii ay ka yimaadeen,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here