Mark Bosnich ayaa aaminsan in Macalin Jose Morinho uu Yahay shaqsiga ku Haboon shaqada kooxda Manchester xili Luis Van Gaal oo ku dhibaateysan yahay shaqada kooxda Manchester United.
Kadib markii ay kooxda Manchester United ay guuldaro kala kulantay kooxda Stoke City waxaa sii kordhay cadaadiskii saarnaa Macalinka reer Holland ee Louis van Gaal. Waxayna ugu dhigneed in uusan guul gaarin 7-kulan ee ugu dambeysay ay ciyaartay kooxda Manchester United,
Mark Bosnich oo horey usoo Noqday Goolhayaha kooxda Manchester United ayaa sheegay in Macalinkii laga ceyriyay shaqada kooxda Chelsa Jose Morinho uu yahay shaqsiga xiligaan ku Haboon shaqada kooxda Manchester United,

