Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexa ayaa si weyn loogu dareemayaa u diyaar Garowga Marti Galinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.
Dhanka kale Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda Olole nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalada Jowhar kaasoo ay soo abaabuleen maamulka gobolka iyo kan degmada Jowhar ,
Waddooyinka waa-weeyn ee magaalada Jowhar ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu soo dhoweynayo shirka iyo martida magaalada Jowhar imaanaysa, iyadoo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay dhismayaasha magaalada. Sida Hoteelada, goobaha ganacsiga iyo wadooyinka.
Dhanka kale Waxaa sare u kac uu ku yimid qiimaha lagu kireeyo Hotelada iyo Guryaha oo horay ay u ahaayeen kuwo dhex dhexaad ah, dadka Magaalada Jowhar ayaa ku sababeeyay arintaan shirka oo dhawaan ka Furmi Magaalada Jowhar,
Magaalada Jowhar waxaa gaarayay Maalmihii dambe siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha dhexe kuwasoo qaar kood ay Yihiin musharixiinta Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Halkaan ka Daawo sawirada











