Daawo Sawirada:-Wariye Maxamed Ibraahin Gaabow oo Lagu Aasay Qabuuraha Barakaat

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Allah u naxariiste Wariye Maxamed Ibraahin Gaabow oo shalay lagu dilay Qarax lagu xiray gaari uu watay Magaalada Muqdisho.

Suxufiga ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha barakaat ee Magaalada Muqdisho waxaana aaskiisa kasoo qeyb galay qaar kamid ah agaasimayaasha warbaahinta gudaha iyo dibada kuwooda ka howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaaliya iyo afahayeenka Gobalka banaadir.

Bahdii Saxaafadda ee kasoo qeyb galay aaska Suxufiga ayaa kaga tacsiyadeeyay Ehelada wariyaha iyo asxaabtii uu ka baxay Maxamed Ibraahin Gaabow oo shalay lagu dilay Qarax lagu xiray gaari uu watay oo marayay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

                                      Halkaan ka daawo Sawirada aaska wariye Maxamed Ibraahin Gaabow

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here