Dowladda Kenya oo Iska Fogeysay in Ciidamadeeda Ay Shacab Ku Layeen Gobolada Dalka

0

Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay warbixin ay soo saartay Qaramada midoobay oo lagu sheegay in ciidamada Kenya ay mas’uul ka ahaayeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay u geesteen 40 qof oo ah shacab Soomaaliyeed 22 bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa warbixinta ay horay u soo saartay qaramada midobay lagu sheegay in diyaaradaha ciidamada difaaca dowlada Kenya ay dileen 36 qofood halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Howlgalka qaramada midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM iyo xafiiska qaramada midoobay ee arimaha bini’aadanimada ayaa dowlada Kenya ciidamadeeda ka tirsan howlgalka midowga Africa somaaliya ee AMISOM waxa ay ku eedeeyeen in dadkaasi shacabka ah ay u geesteen khasaare dhimasaho iyo mid dhaawac.

Warbixinta qaramada midoobayee Kenya ciidamada ka howlgala soomaaliya ku saabsan ayaa ah mid qalad ah aad ayaana uga xunahay, sidaas darteed waa in la tirtiraa qeybteena” waxaa sidaasi wargeysaka daily nation ee ka soobaxa dalka Kenya u sheegay safiirka Kenya ee soomaaliya u fadhiya.

Waxaa safiirka uu sidoo kale sheegay in Kenya aysan helin wax cabasho ah oo katimid dadka shacabka ah  oo ku dhintay howlgalkooda intii u dhaxeesay mudada ay qaramada midoobay xustay.

Waxaana uu sheegay in dowlada Kenya ay qaadi doonto talaabo kasta oo muhiim u ah ilaalinta shacabka soomaaliyeed inta ay ku guda jiraan howlgalkooda, laakiin dowlada Kenya ayaa la ogyahay in duqeymo ay ka fulisay gobalada  jubooyinka iyo Gedo iyagoo sidoo kale si barer ah u toogtay geel ay lahaayeen dad reer mii ah oo deegaanadan gobalada daga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here