Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo sida deeq Dawo ah ayaa saakay soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho.
Diyaaradda oo ay la socdeen wakiilo ka socday Dowladda Masar ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay 5-ton oo dawo ah,oo ay dowladda Masar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.
Intaas kadib diyaaradaan ayaa dalka Masar u qaaday ku dhawaad 20 qof oo ka mid ah Dadka ugu daran ee dhaawacyadii 14kii iyo 28kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.
Masar ayaa kamid noqotay horaan dowladaha gargaarka soo gaarsiiyay Soomaliya,waxaana horey gar-gaar usoo gaarsiiyay Dowladaha Turkiga, Qadar,Imaaraadka,Kenya iyo kuwo kale
Dhawaan warbixin ay soo saareen Guddiga Gurmadka Qaran ee musiibadii October ayaa dhimashadii ugu dambeysay ee weerarkii 14kii October waxa ay ku sheegeen in ay gaartay 512 Qof.

