Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo Ciidamo qaab qabiil ku howlgala ayaa maanta ka dhacay Ex Warshadii Hore ee Coca-cola ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Labada ciidan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay khilaaf uu ka dhaxeeyay wuxuuna maanta sababay in ay dagaalamaan.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in Ciidamada ay isku qabteen cidii gacanta ku hayn laheyd Ex Warshadii Hore ee Coca-cola ee Degmadda Hodan, oo haatan kamid ah goobaha lacagaha loogu qaado gaadiidka dadweynaha.
Ilaa haatan lama sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay iska hor imaadka u dhaxeeyay Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada qaab-ka qabiil ku howlgala.
Ciidamo kale oo ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa kala dhex-galay Ciidamada Dagaalamay.

