Boqolaal Dibadbaxyaal ah ayaa manta waxaa ay banaanbax ka dhan ah Go’aankii uu madaxweynaha mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday Magaalada barakeysan ee qudus in ay tahay caasimada Maamulka Yahuuda wax ay ka dhigeen isgoosyada km4 iyo km5 ee magaalada moqdish.
Iyadoo dadkan dibadbaxa dhigay ay ku dhawaaqayeen Hadalo ay kaga soo horjeedaan Go’aankii madaxweynaha marekanka Donlad Trump uu ku sheegay Quduz iney tahay caasimada Yahuudda.
Dadka banaanbaxa dhigay ayaa waxaa ay iskugu soo xoomeen Isgooska zoobe iyadoo halkaas uu khudbad uu ka jeediye sheikh Cabdul xayi sheikh Aadan oo kamid ah culumada soomaalieed.
Sheekhada ayaa sheegay ugu Horeentii sharaxay Ahmiyada magaalada qudus,waxuuna sheegay in aad ugu faraxsan yahay Dareenka ay muujiyeen shacabka soomaaliyeed.
Khubadii uu sheekha manta ka jeediye isgooska zoobe ee magaalada moqdisho ayaa waxaa kazoo qeyb galayo Dadyoow aad ufarabadan.
Qaarkamid ah Dadkii dibaxa dhigay ayaa waxaa ay radio samba uga warameen Dareenkooda ku Aadan Go’aankii Trump.
Dhawaan ayey aheed markii uu madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in magaalada Barakeysan ee Qudus ay tahay magaalada Caasimada u ah yahuudi.iyadoo hadalka Trump Dibadaxyo looga soo horjeeda ay manta ka dhaceen Qaar kamid ah wadamada islaamka iyo Somaaliya.




