Howlgalo Lagu Soo qabtay 12 katirsanaa Xarakada Al-shabaab Oo Ka Dhacay Sh/dhaxe

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeelaha dhaxe ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay howlgalo ka dhan ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo lagu soo qabtay rag oo lala xiriirinaayo Al-shabaab

Ilo dadka deegaanka ayaa Simba u xaqiijiyay iney arkayeen rag indhaha lag xir xiray oo la saarayay gawaari dagaal balse aysan kala xaqiiji Karin tirade ragaasi basle ay arkayeen un kaliya.

Saraakiisha Ciidamada dowlada ee Gobalka shabeelaha dhaxe ayaa Simba Radio u xaqiijiyay iney howlgalo ay ka sameeyeen deegaanka Qalimow ee gobalkaasi ay kusoo qabteen rag katirsan Xoogaga Al-shabaab oo soo galay deegaanka, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray ragaasi iney gaarayaan ilaa 12 dagaalama-yaal hadana gacanta ay ku hayaan Ciidamada Dowlada ee Gobalka shabeelaha dhaxe.

Saraakiisha ayaa sido kale inuu sheegay iney ragaasi ku wadaan baaritaano una gudbi doonaan Ciidamada Amaanka dowlada ee ku sugan Magaalada Jowhar,  si halkaasi cadaalada loogu marsiiyo.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al-shabaab ee ku aadan in raga maanta Ciidamada dowlada ee gobalka shabeelaha dhaxe ay gacanta ku dhigeen ay ahaayeen Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here